Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muujisay cambaareyn xooggan oo ku aadan qaraxii ka dhacay ka soo horjeedka Hotelka Wehliye ee ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, wuxuuna Sacuudigu sheegay inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareysay qaraxan, wuxuuna Imaaraadka dadkii dhintay Alle uga baryay inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, isaga oo caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.
Sidoo kale Imaaraadka ayaa sheegay in Al-shabaab aysan marna dooneyn in ay noolaadaan shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeeda ayuu wadamada Beesha Caalamka ka dalbaday in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya.