TV-ga Universal oo Caawa Baahinaya Barnaamij Olole Xukumada Kheyre Loogu sameynaayo Iyo Cawil Daahir oo Lacag Badan Lagu siiyay Amaanta Wasiir Jamaal!!

Reading Time: < 1 minute

Caadiyan waxaa la rumeeysan yahay in Xukumadda R/wasaare xassan cali kheeyre  ay baraha bulshada iyo warbaahinta ku bixiso lacag aad u fara-badan taasi oo lagu amaanayo si Bulshada loo indha-sarcaadiyo.

TV-ga Universal oo inta badan hadba qofkii Lacag siiyo lagu amaano ayaa caawa waxaa ka baxay Barnaamij DOOD WADAAG lagu sheegay oo ay marti ku yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle beeyle iyo Wasiirka Qorsheeynta Jamaal Maxamed xassan.

Wariye Cawil Daahir salad oo Xubin ka ah Kooxda Qaaqlayaasha oo caawa barnaamijka daadihinaayo ayaa waxaa laga dareemayaa buunbuuninta Wasiirka Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan taasi oo la rumeeysan yahay in uu kusoo qaatay Lacag Xoogan.

Sababta ugu weeyn ee Barnaamijkaan ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid olole loogu sameeynaayo Xukumadda R/wasaar kheeyre oo tan iyo markii ay curatay aan ka dhamaan olole aan joogsi laheeyn.

Dhanka kale wasiirka Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan ayaa waxaa uu dhawaan Nus malyuun doolar kala baxay kursi Baarlamaanka kaasi oo dhawaan doorashadiisa Garoowe lagu qaban-doono,taasna waxaa ay Jamaal ku qasabtay in uu sameeyo is-bandhig xoogan.