Tuulooyin xalay lagu gubay deego ka tirsan Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay waxaa ay gubeen tuulooyin ku yaal Waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen dagaal beeleedyo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tuulooyinka la gubay ay ka mid yihiin tuulada Bacaad Buuko, halkaas oo meel u dhow ay isku hor-fadhiyaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay, kuwaas oo kulamo lagu xalinayo ay ka socdeen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro burbur hantiyadeed, iyada dadka tuulada la gubay ku nool ay bilaabeen inay isaga barakacaan sababo la xiriira in anooyin qabiil loo dilo.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku baxay xiisada ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle iyo dowladda Soomaaliya