Turkiga oo Dalkiisa ka musaafurinaya Jihaadiyiin Mareykan ah

Reading Time: < 1 minute

Turkey ayaa dalalka reer galbeedka ku dhalleeceysay inay diideen in loo masaafuriyo muwaadiniintooda ka midka nqoday kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Iraq.

“Waxaan masaafurin doonaa, saddex, shan, toban, ma jirto sabab aad uga baxsan kartaan. Waan idin soo diri doonnaa, ula macaamila sida aad doontaan.” Ayuu yiri Ismail Catakli.

Ma cadda sida Turkey u awoodi doonto inay masaafuriso muwaadiniinta ay dalalkooda kala laabteen dhalashada.

In kasta oo xeerka New York ee 1961 uu sharci-darro ka dhigayo in dadka laga dhigo dal la’aan, haddana dhowr dal oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Britain ayaan sharicgaas saxiixin, waxaana kiisas arrintan la xiriira ay dhowaanahan billaabeen dagaal sharci oo dheer.

Britain ayaa dhalashada ka qaadday in ka badan 100 qof oo la tuhunsan yahay inay ku biireen ururo argagixiso oo caalami