Turkiga oo xabsiga dhigay rag lagu tuhmay in basaas ay u yihiin Imaaraadka Carabta

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Turkiga ayaa xabsiga dhigtay laba nin oo looga shakiyay in basaas ay u yihiin Imaaraadka carabta,iyadoo la baarayo in raggaan ay wax ka ogyihiin dilka wariye Jamal Khashoggi.

Wakaalada wararka dowlada ee Anadolu oo soo xiganeysa ilo ka tirsan garsoorka ayaa xaqiijiyay in ragaan sirdoon ahaan ay uga howlgalayeen Turkiga iyaga oo matalaya Imaaraadka Carabta.

Ragaan ayaa hadii lagu helo danbiga waxay mari doonaan maxkamad Milatari.

Qabashada labada nin ayaa timid kadib markii sawiradooda la baahiyay ka hor inta aan la xirin isniintii la soo dhaafay.

Sargaal sare oo ka tirsan dowlada ayaa u sheegay wakaalada warar ka ee Reuters, in mid ka mid ah labadaan nin uu safar ku yimid Turkiga bishii October ee sanadkii hore kadib markii la dilay Jamal Khashoggi.

Sirdoonka Turkiga ayaa heegan la galiyay wixii ka danbeeyay dilkii arxan darada ahaa ee saxafigaan loogu geestay dhismaha qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.