Turkiga oo Maanta Ciidamo Qaba-Tababar Cajiib iyo Saanadooda ku Wareejinaayo Dowlada Farmaajo (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha  Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamada uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka xoogga dalka,si loo xoojiyo Dagaal ka dhanka ah Al-shabaab

Wararka ay heleeyso MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay sheegayaan in la xiray wadooyinka muhiimka ah ee degmooyinka wadajir iyo dharkeenleey,halkaasi oo lagu daadiyay Ciidamo xoogan ka tirsan Koofi Gaduuda

Geesta kale  waxaa  La dhaariyay 47 Saraakiil iyo Layli Saraakiil,kuwaas oo uu tababaray Turkiga ayaa maanta lagu dhaariyay Muqdisho,Munaasibaddan waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya sida Taliyaha Ciidanka Milatariga Daahir Aadan Cilmi, Taliyihii hore C/Wali Jaamac Gorod, Wasiirka Gaashaandhigga Amar-dambe, Guddoomiyaha Gobolka Yariisow iyo xubno kale.

Dowlada Turkiga ayaa sidaan oo kale dhowr Cutub oo Ciidamada xooga ka tirsan Tababar ugusoo xirtay,waxaana la sheegay in markii Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyay uu dayacay.