Shirkadda Twitter ayaa maanta iclaamisay in ay si rasmi ah Donald Trump uga mamnuucday inuu dib dambe u adeegsado barta Twitter-ka, iyada oo gabi-ahaanba si rasmi ah uga joojisay isticmaalka cinwaankii uu bartaas ku lahaa. Dhanka kale shirkada Twitter ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay go’aankan qaadatay ayada oo ka cabsi qabta in Trump uu sii huriyo rabshado dheeri ah, laba maalin kadib markii taageerayaashiisa ay weerareen xarunta Congress-ka Mareykanka, halkaasi oo shan qof ay ku dhinteen.
Qoraalka ka soo bxay Twitter ayaa lagu sheega, in laba qoraal oo uu Trump bartaas soo dhigay kadib markii dib loo fasaxay cinwaankiisa oo la hakiyey 24 saac, ay ahaayeen kuwa loogu talo-galay in rabshado lagu dhiiri-geliyo. Labadaas qoraal ayaa mid waxa uu Trump ku ammaanay dadkii fuliyey weerarka Congress-ka, oo uu ugu yeeray “Waddaniyiin Mareykan ah,” halka mid kale uu ku sheegay inuusan ka qeyb gali doonin calaamo-saarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.
Dhanka kale Twitter ayaa sheegtay in qoraaladii hore ee Madaxweyne Trump lagu ammaanay rabshada wadayaal, halka midka labaad ee ah “kama qeyb-galayo caleemo-saarka,” uu diray farriin ah in taageerayaashiisa ay weerari karaan, maadaama uusan isaga joogin. Barta Trump ee Twitter ayaa waxaa ku xirnaa 88 milyan oo qof oo u badan taageerayaashiisa.
Waxaa sidoo kale lagu tilmaamy go’aanka Twitter in uu ahaa mid yimid saacado kadib markii shirkadda Facebook ay sheegtay inay Trump ka mamnuucday barta facebook iyo barta Instagram oo ay facebook leedahay. Waxaa sidoo kale Trump laga mamnuucay Snapchat.