Afhayeenka Jabhadda TPLF ayaa shaacisay sababta ay uga baxeen caasimadda Gobolka Tigray iyo magaalooyinka kale, isagoo sheegay inaysan dheereyn xilliga ay dagaallo rogaal celin ah qaadi doonaan.
Afhayeenka jabhadka tigreega TPLF, kana tirsan madaxda sare ee Tigreega, horena u ahaa wasiirka isgaarsiinta Itoobiya Getachew Reda ayaa wareysi uu siyay Telefishanka CNN isagoo ku sugan gudaha Gobolka Tigray wuxuu sheegay inay magaalada Makelle uga baxeen si aysan ciidamada Itoobiya u burburin magaalada, iyagoo cudurdaar ka dhiganaya TPLF.
Wuxuu ku eedeeyay Eritrea inay ciidamadeeda qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Gobolka Tigray, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka aanu u dhoweyn mid dhammaaday, iyagoo ka baxay magaalooyinka, balse ay heystaan dhulka intiisa badan, ayna qorsheynayaan inay bilaabaan weerarro rogaal celin ah.
“Ciidamada Abiy Ahmed waxay qabsadeen magaalooyinka, dalka intiisa badan oo ka baxsan magaalooyinka annaga ayaa heysanna.. hadda oo aan kula hadlayo waxaan difaaceynaa dhulka aan ka talino.. waqti dheer ma qaadan doonto marka aan bilaabeyno weerarrada rogaal celinta ah..” ayuu yiri afhayeenka TPLF Gethachew Reda.
Wuxuu sheegay inuu ka cabsi qabo in dagaalka isu bedelo isir-sifeyn, isagoo uga digay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu Amxaarada u adeegsanayo dagaalka Tigray.