TPLF oo ku soo dhawaatay Addis Ababa & Abiy Axmed oo qeyla dhaan dirsaday

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa soo saaray baaq aan hore loo arag, isagoo dadkiisa ugu baaqay inay joojiyaan howl kasta oo ay hayaan ayna u qalab qaataan ka hortagga kooxda TPLF.

Qoraal uu soo saaray ayuu dhammaan dadka Itoobiyaanka ugu yeeray inay joojiyaan howl maalmeedkooda ayna soo qaataan wax kasta oo hub ah oo ay awoodi karaan, si loo burburiyo, loona joojiyo dagaalka ay wado kooxda TPLF oo uu ku tilmaamay argagixiso dooneysa inay burburiso dowladda Itoobiya.

Arrintan ayaa timid kadib markii Jabhadda TPLF ay shalay iyo maanta qabsatay magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha, waxaana xaaladda uga sii markii ciidamada dowladda Itoobiya lagu jebiyey aaggaga dagaalka.

Gobolka Amxaarada oo xalad aadag wajahaya ayaa soo saaray amar ah in la xiro dhammaan xafiisyada dowladda, lana joojiyo shaqooyinka, iyadoo dadka loo diyaarinayo inay dagaalamaan, kana hortagaan Jabhadda Tigray ee soo qabsatay magaalooyinkii Amxaarada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!