Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu go’aamiyay in la hakiyo doorashada saddexda degmo ee kala ah; Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Nugaal.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada saddexdaas degmo loo hakiyay sababa amni kadib dhacdooyin amni-darro oo ka dhacay Garoowe.
Doorashada golayaasha degaanka Puntland oo ku salaysan qof iyo cod ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah oo ku beegan 25 May ka qabsoonto 30 degmo oo ka tirsan Puntland.
