Waxaa la filayaa in uu dhulka ku soo dhaco burburkii ka haray Gantaalka Shiinaha CZ-5B kaasoo loogu magac daray (LONG MARCH5) oo aay hawada sare u gantay Dowladda Shiinaha, taasoo aay Injineerada Dayax Gacmeedka sheegeen in aay xukumi waayeen dhaqdhaqaaqa Gantaalka.
Gantaalkan ayaa cirka loo gamay Bishii April 29, 2021 waxaa la qiyaasayaa in uu dhulka soo gaaro caawa ama aroornimada hore ee maalinta Axadda, waxaana bilowday la socoshada burburka iyo hadba meesha uu marayo.
MOL ayaa akhristayaasheeda u soo gudbineysa akhbaaraha ugu danbeeyay adigoo si toos ah u daawan kara lifaaqa muuqaalka hoose ee burburka gantaalka oo ku soo wajahan dhulka.
Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu dulmaray, loogana cabsi qabo in aay ku soo dhacaan burburka Gantaalka oo ku socda xowli aad u dheereeya 25 kun saacaddi ah.
Halka Hoose ka daawo Gantaalka iyo hadba meesha uu marayo.