[TOOS DAAWO] Doorashada Madaxweynaha oo goor dhow bilaabatay

Reading Time: < 1 minute

Teendhada Afiysoone ee ku dhex taalla gudaha xerada Xalane oo ay maanta ka dhaceyso doorashada madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa haatan si toos ah uga bilaabatay Teendhada Afisyooni

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay bilowdeen dhaq-dhaqaaqyada iyo xaadiritaanka goobta doorashada oo si weyn amnigeeda loo ilaalinayo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal iyo musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa goor hore sii tegay hoolka doorashada, si ay isugu diyaariyaan doorashada dhaceysa.

Sidoo kale xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada ee labada Gole ayaa ku sugan hoolka, iyaga oo kala qaabeynaya howlaha socda ee doorashada madaxweynaha