Toogasho ka dhacday Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa saakay waxa ay degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa waxa ay u sheegeen Muqdisho Online  in dilka uu ka dhacay Isgoyska Suuqa Beerta,isla markaana rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ay toogteen askariga oo ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya kadibna ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo qaaday meydka askariga.

Dilalka loo geysanayo askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa joogto ah magalada Muqdisho,waxaana dilalkaas sheegta Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!