Toogasho ka dhacday magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Reading Time: < 1 minute

Nin hubeesan ayaa toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac ka geestay gudaha isbitaal kuyaala magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Booliiska ayaa sheegay in ninka hubeesan oo magaciisa lagu sheegay Juan Lopez gudaha Isbitaalka ku dilay labo ruux oo kamid ahaa shaqaalaha isbitaalka iyo saraal katirsan booliiska kahor inta isna aan la toogan.

War kasoo baxay booliiska magaalada Chicago ayaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan toogashadan ka dhacday gudaha isbitaalka iyo sababta keentay.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa inta badan ka dhaca toogasho ay geestaan dad hubeesan, waxaana toogashada dalkaasi kusoo badaneysa sabab looga dhigay hubka shacabka gacanta ugu jira.