Toogasho iyo dil ka dhacay saldhiga booliska ee magalaada Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb, Askari ka tirsanaa Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa in hanbeenkii  xalay  lagu dhex dilay Saldhigga Booliska Magaaladaasi. Wararku intaas ku darayaan in Askari kale oo ay shaqada ay iskula jireen uu ka dambeeyay dilka Marxuumka, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan dilka Askarigaasi.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan ciidanka booliska magaalada Dhusamareeb askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabu jiray Cumar Ballicad, waxaana uu ka tirsanaa Marxuumku Booliska magaalada Dhuusamareeb, dilka ayaana dhacay sida wararku sheegayaan xalay saqdii dhexe, iyadoona Askariga ka dambeeyay dilka Magaciisa lagu soo Koobay Cabdi Qani Naasir, kaasi oo shaqada kula jiray Askariga uu dilay.

ilaa iyo hada  Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb wax war ah kama soos aarin dilkaasi, sidoo kale ma jiraan warar intaa ka dheeri ah laga helay dilkaasi, lamana sheegin sababta Askariga ku kalliftay in uu dilo Marxuumka shaqada kula jiray.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!