Wararka ka imaanaya Degmada Heliwaa Ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Nin la sheegay inuu dadka deegaanka kamid ahaa.
Waxaa Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Raage,waxaana la sheegya inuu ushaqeenayey Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.
Marxuumka ayaa la sheegay in dableey Bistoolado watay ay beegsadeen ayna ka baxsadeen goobta.
Waa Marxuumkii 5aad ee la dilo Isbuuc gudihiis oo katirsanaa Shaqaalaha Hormuud,maanta ayaa nin ushaqeenayey Shirkadaan Xarunteeda Laba dhagax la khaarajiyey.
Dhinaca kale Waxaa la sheegay in Koox hubeysan ay ku dileen isla galabta agagaarka Seybiyaano Degmada Hodan nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Garaad.
Marxuumkani waxaa la sheegay inuu ushaqeenayey Shirkada Daabacada qaabilsan Ee Signjet,lamana oga sababta loo toogtay.