Ugu yaraaan 29 qof ayaa ku dhintay dhacdooyin labo weerar ah oo ka dhacay Gobolka rabshaduhu ka taaganyihiin ee Woqooyiga Burkina Faso, sidaasna waxaa xaqiijiyay masuuliyiin Dowladda ka tirsan.
Weerarka waxaa lagu qaaday gawaari xamuul ah, mid ka mid ah gawaarida oo siday dad iyo badeeco ayaa lala beegsaday miino dhulka lagu aasay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof, sida uu warbaahinta Afhayeen u hadlay Dowladda Burkina Faso Remis Fulgance.
Inta ugu badan dad ka dhintay waxaa ay ahaayeen ganacsato.
Meel 50 KM u jirta meeshii uu weerarka Koowaad ayaaa lagu beegsaday 14 qof oo lasheegay in ay gar-gaar u sideen dad dagaallada ku barakacay.
“Arrintaan waxaa ay timid xilli dadaalo muhiim ah oo dhinaca amniga ah laga wado Gobolka, military bandanna la geeyay “ ayuu sheegay Afhayeenka Dowladda u hadlay.
Dalkaan ku yaala Galbeedka Africa waxaa Sanadkii 2015kii ka billowday dagaal ay koox hubeeysan ku doonayaan in ay dowladda u ridaan.
Horraantii Bishaan ayaa kooxdaasi weerar ku qaadeen sladhig military oo ku yaala Woqooyiga Burkina Faso waxay ku dileen 24 askari.