Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa Baarlamaanka Feeraalka Soomaaliya ka raali geliyay hadal uu dhawaan jeediyay oo ku saabsanaa inuu ka shaqeyn la’yahay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno Wasiiro ah.
Yariisow oo Bartiisa Facebook ku soo qoray Qoraal kooban ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadal uu dhawaan siiyay Warbaahinta, sidaas darteedna uu ka raali gelinayo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Duqa muqdisho aya u muuqda mid loogu godiyay in hadalkaasi uu raali galin ka bixiyay iyado hey’adahii Dowlada ay gacanta u galeyn shaqsiyaad gooni ah oo awood adeegsanaya.