Tiro Maxaabis Soomaaliyeed Ah oo Maanta Lagu Wado In Laga So Djiyo Muqqdisho

Reading Time: < 1 minute

In kabadan77 maxaabiis ah ayaa lafilayaa in Saacaddaha soo socda la soo gaarsiyo magaalada Muqdisho.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta maxaabiis Soomaaliyeed oo dhawaan Dowladda Hindiya ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka socota Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Maxaabiistaan ayaa qaarkood muddo waxa ay ku xirnaayeen dalka hindiya sanado badan, iyadoona loo heystay dambiyo kala duwan sidda in ay burcad yihiin.

Wasiiro , Xildhibaan iyo Madax kale oo dowladda ka tirsan ayaa ka qeyb qaadan doona soo dhaweynta Maxaabiistaasi.

Soo deynta Maxaabiistaan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha Hindiya iyo Soomaaliya.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah Meelaha ugu badan oo ay dhibaatadu ku heysato dhalinyaradda Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay in ay yihiin burcad.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!