Tiro Maxaabis Soomaali Ah oo Goordhaw Muqdisho Laga So Dajiyay

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho waxaa laga soo dajiyay maxaabiis laga keenay dalka Libya.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa 13 dhalinyaro ah oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.

Dhalinyaradaan ayaa xalay ku hoyday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,waxaana ay saakay kasoo degteen Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.