Dhammaan seejooyinkii ay ka socotay doorashada qof iyo cod ayaa si nabdoon ku soo xirmay lixdii makhribnimo waxaana bilowday tirinta codadka.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa makhribkii shaaciyay in dhammaam seejooyinka cod-bixinta ay ku soo xirmeen si nabdoon.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay bilaabatay tirinta codad guud ahaan seejooyinka 30 degmo ee doorashadu ka dhacday.
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah waxaana si weyn u soo dhaweeyay wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageera.