Iyado mooshinka Gudoomiye Jawaari uu socdo aya waxa socda dadalada uu wado gudoomiye Jawaari oo kulamo kala duwan ka waday Gudaha Madaxtoyada iyado Xildhibaano Badan uu kulamo kala yeeshay arinta mooshinka aya waxa ay wada gaareyn heeshiis ah in dhankiisa ay so maran oo nay taageeran.
Xogta an heleyno ayaa shegeysa in hoos u dhac ku imaanayo maalinba maalinta ka dambeysay xildhibaannadii mooshinka ka keenay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Wararka ayaa sheegaya in hadda tirada xildhibaannada mooshinka ka wada Jawaari ay kusoo kooban tahay 87 mudane, iyadoo xildhibaanno badan ay ka laabteen, kadib markii ay sheegeen iney qarannimada difaacayaan.
Xildhibaannada difaacaya Jawaari ayaa wada dedaal badan oo ay ku doonayaan in saaxiibadood kusoo jiitaan, islamarkaana aan loo hoggaansamin qorshaha xukuumadda Kheyre.