Tirada dadka ku dhintay qaraxyadii lala beegsaday Maxaas oo sii kordhaya

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qasaaraha ka dhashey weerarkii ay dagalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa galaaftay ugu yaraan 35 ruux oo ay ku jiraan siddeed xubnood oo isku qoys ah, halka 40 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu  Wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Xasan kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Weerarkan ka dhacay Degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab ka fuliso deegaanka tan iyo markii ay Ciidamada Dowladda iyo Ciidamada Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo ay sannadkii hore bilaabeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Inta badan dadka geeriyoodey ayaa ahaa dad rayid ah, haween iyo caruur” ayuu yiri Xasan-Kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku xigeenka Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Taliye ku xigeenka ayaa intaa ku darey “hal cunug ayaa ka badbaaday qoys ka koobnaa sagaal xubnood, sidoo kale qoysas kale ayaa waxyeelo ka soo gaartay, sidoo kale labada qarax waxa ay burburiyeen guryo badan oo dad rayid ah lahaayeen’’

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa isbitaalka ordogan ee magalada Muqdisho ku booqdeey qaar ka mid dadkii ku dhaawacmey Qaraxyada ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku geeryoodey qaraxa in uu alle unaxariisto kuwa dhawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo.