Tirada dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay Laascaanood oo la shaaciyay

Reading Time: < 1 minute

Shaqaalaha caafimaadka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen khalalaasha ka dhacay magaalada Laascaanood, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay sheegeen in tobanaan kale ay ku dhaawacmeen dagaal todobaadkii la soo dhaafay dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda. Mucaaradka ayaa dalbanaya in maamulka Somaliland uu ka baxo magaaladaas oo xarun u ah maamul goboleedka lagu muransan yahay Soomaaliya.

Dhanka kale guddoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dacyac dhanka xukuumadda Somaliland ah maadama sida uu sheegay in muddo ah halkaa dilal loogu gaysanayay dad ahaa wax-galka bulshada oo aan wax laga qaban.

Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalalka joogtada noqday.