Warbixin cusub oo maanta soo baxday ayaa waxa ay ka hadleysaa cududa iyo weerarada ragga taabacsan kooxda Daacish ay ka geystaan Puntland, Muqdisho iyo agagaarkeeda.
Hay’adaha warbixintan soo saaray ayaa kala ah machadka Hilaal Institute oo fadhigiisa uu yahay Soomaaliya iyo machadka kale nabadda ee Yurub.
Warbixintan ayaa tirada kooxda Daacish waxa ay ku tilmaamtay ugu badnaan ilaa 300, waxayse ka digtay in kooxdan mustaqbalka ay halis ka imaan karto.
Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in Daacish aysan laheyn awood ciidan oo la yaqaano, islamarkaana laga cabsado, balse ay leedahay fursad ay ku balaaran karto.
Fursadaha ay ku balaaran karto kooxda Daacish ayay hay’adaha warbixinta soo saaray waxa ay ku sheegeen inay ka faa’ideystaan burbur ku yimaada ururka Al Shabaab.
Guddoomiyaha machadka Hilaal Institute Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in kooxda Daacish ay Puntland ka joogaan dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogaan.
“Kooxda ma lahan awood weyn oo laga cabsado, waxay ku balaaran karaan oo keliya inay burburto Al Shabaab, hawlgalada ay hada wadaan Daacish waxaa laga yaabaa inay ku qortaan dhalinyaro badan oo ay qaldaan”. Ayuu yiri Guddoomiyaha machadka Hilaal Institute oo la hadlay VOA-da.
Ugu dambeyn warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay cida hortaagan Daacish inay saldhigato in aysan aheyn dowladda, Puntland iyo AMISOM, balse ay ka saldhigan la’ dahay Al Shabaab oo ay isku heystaan awood maamul.