Tima-jare Cabdiraxin Cumar oo 21 sano jir ah kuna nool magaalada Bedford ee dalka Ingiriiska ayaa maxkamad ku xukuntay siddeed bilood oo xarig ah kadib markii uu qirtey in si qalad ah uu uga jaray timaha wiil toban sano jir ah.
Maxkamada Luton Crown ayaa dhagaysatay dacwada waxana uu timajaraha uu qirtey in si qalad ah uu ugaga jaray wiilka toban jirka ah oo qaabkiisii hore uu bedelay.
Timajaraha ayaa sheegay in uu ciqaab uga dhigayay qaabka uu ugu jaray wiilka toban jirka ah oo aan magaciisa la shaacin. Waxana la sheegay wiilka tinta sida xun looga jaray uu lahaa tin qaab wanaagsan loogu jaray.
Wiilka toban jirka ah ayaa ka carooday qaabka loogu jaray iyadoo dhalinyaro kale ay ku sugnaayeen goobta timaha loogu jarayay ayna ku qosleen. Hase yeeshee,wiilkan ayaa taleefan u direy Booliska waxaana xabsiga la dhigay timajare Cabdiraxiin Cumar waxana ugu dambeyntii lagu xukumay siddeed bilood oo xarig ah.
Xaakimka dacwadan qaaday Richard Foster ayaa sheegay in waxa lagu sameeyay wiilka toban jirka ah uu ahaa mid laga xishoodo waxana uu ku tilmaamay qalad weyn.