Tikidhada diyaarada oo 30 % sare u kacay & qurba joogta oo isaga baxeeyso Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in tikidhada diyaaradaha Muqdisho kabaxa  ay qaali noqdeen kadib markii  shacabka soo foodsaartay cabsi & walwal laga qabo in dagaal sokeeye ka dhaco Muqdisho.

Qurba Joogta soomaaliyeed oo sanadihii u danbeeyay si wayn ugu soo laabanayay dalka ayaa bilaabay ineey isaga cararaan dalka ayagoo aadaya wadamada kala ah Kenya , Ethiopia & Turkey.

waxaa sare u kacay qiimaha lakala siisto tikidhada isagoo laga dareemayo koror dhaqaale 30 %  , waa arrin walwalka shacabka sii kordhineeyso & saaxiibada caalamka maadama dhamaan fursadihii  wadahadalka ay albaabadii soo xirmeey Madaweyne Farmaajo isaga uu qaatay goaanka dagaalka maadama uu diiday in la aado doorasho hishiis lagu yahay oo uu rabo inuu qabsado dorasho uu boobi.

Xaalada Muqdisho ayaa kacsanaan laga dareemaya lama oga xalad halkee saldhigan doonto lasoco wixii warar ah oo kuso kordhay  xaalada Muqdisho

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!