Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay tallaabadii uu isku casilay Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.
Qoraal uu Bartiisa Facebook-ka soo dhigay ayuu ku weeraray Raii’sul Wasaare Xasan Cali Kheeyre isago Prof Jawaari uga mahad ceiyay sida dal & dad jaceylka leh ee uu u tanaasulay isaga oo danta guud tixgelinayo.
Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Thaabit Cabdi Maxamed:
Waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiye Prof. Maxamed Sh. Cisman Jawaari sida dal & dad jaceylka leh ee uu u tanaasulay isaga oo danta guud tixgelinayo. Ma aheyn go’aan sahlan sida aan qiyaasikaro balse waxaa dhamaanteenna inaga weyn Soomaaliya oo cidwalba oo maanta u turta, beri iyadoo maanta ka wanaagsan ayay taladeeda lahaandoonaa.
Waxaan wada sugnaaba waa kalimadda uu Gud. Jawaari u jeedindoono Golaha Shacabka iyo umadda soomaaliyeed, anigoo ku rajaweyn in ay noqondoonto khudbad dib-u-heshiisiineed oo dhayidoonta boogihii iyo xanaftii usbuucyadii lasoo dhaafay iyo dardaaran waayeel maadaama uu yahay Oday Soomaaliyeed oo xil iyo xog-ogaalba ah.
Ugu dambeyntii waxaan Madaxweyne Farmaajo uga mahadcelinayaa wadahadalka miradhalay oo biloow iyo dhamaadkeedaba uu lahaa iyada oo aynan wax dhib ah ka dhicin Golaha Shacabka.
Dadka iyo Dalka qofkii u diirnaxaa, berri la dugaashan doonaa.
Mahadbadan