Terminalka Movcon ee Garoonka Aadan Cade oo markale dib loo furay!

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay maalmo ka soo wareegatay go’aankii dowlada Federaalka Soomaaliya ee ahaa in la xiro gabi ahaanba Terminalka Movcon oo ay isticmaalaan haya’daha caalamiga ee ka howlgala Xarunta Xalena ayaa markale dib loo furay.

Iyada oo la fulinayo amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa maalintii labaad howlgalay Terminalka  Movcon. Inkastaa oo saaxfadda laga qariyay  furitaanka Terminalka hadana  waxaa maanta isticmaalay qaar kamida shaqaalaha UNta iyi hay’adaha kale.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa  aad u soo dhaweeyay xiritaanka Terminalka sida gaarka ah ay UNta u maamusho, iyada oo loo arkayay in ay ku jirto danta iyo dowladnimada Soomaaliya.

Waxa jira warar sheegaya in qaar kamida madaxda dowlada federaalka ay haystaan qandaraasyo loogu adeegayo Terminalka.