Teleefishinka Itoobiya oo baahiyay in Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in wadahal lagu xaliyo khilaafka badda

Reading Time: < 1 minute

Teleefishinka Qaranka ee dalka Itoobiya oo la socday safarka Ra’iisal Wasaarah Itoobiya ee ku tagay magaalada Niarobi ayaa baahiyay maanta in RW Abiy Axmad uu ku guuleystay in uu ku qanciyo Madaxweyne Farmaajo in uu ogolaado in khillafka Badda lagu xaliyo si wadahadal ah iyada oo la istcimaalayo Ururu Goboleedka IGAD.

RW Itoobiya Abiy Axmad  ayaa hada ah Gudoomiyaha Ururu Goboleedka IGAD isla markaana ku hadla magaca wadamada ku midoobay IGAD. Teleefishinka Itoobiya ayaa  ah mid ku hadla magaca dowlada iyo xukuumada Itoobiya.  Warbahintoodana waxa ay ka tarjumaytaa dareenka hogaalka dalka Itoobiya.

Warbixinta Teeleefishinka Itoobiya ayaa beeniyay hadalkii  ka soo yeeray  Villa Soomaaliya ee sheegayay in  kulankii Nairobi ee maanta aan loga hadlin ama aan lagu soo hadal qaadin arimaha khilaafka badda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!