Tartanka loogu jiro Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kululaaday & Musharixiin is-baheysi sameystay

Reading Time: < 1 minute

Tartanka loogu jiro qabashada xilka gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sii xoogeystay iyadoo musharaxiin culus ay doonayaan iney ku guuleystaan doorashada.

Gudoonka Kumeel gaar ah ee baarlamaanka ayaa la filayaa inuu gudi usaaro diyaar garowga kulanka baarlamaanka ee lagu dooranayo gudoomiyaha Cusub.

Booskii uu baneeyay PROF Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa waxaa iskuk haysta xildhibaano badan oo qaarkood ka tirsan golaha xukuumadda.

Xubnaha sida weyn isha loogu hayo waxaa ka mid ah Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla iyo Maxamuud Macalin Yaxye kuwaas oo ka wada tirsan xukuumadda.

Laakiin, waxaa jira warar sheegaya in xubnahan magacyadoodu ku qoran yihiin ay isu baheysteen sidii midkood doorashadaas loogu taageeri lahaa.

Si kastaba, Musharixintii ugu badneyd ee ayaa isu soo sharxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la filayaa inay doorashadu noqoto mid si adag loogu loolamo.