Tartanka Duqa Magaalada oo si xoogle leh uga socda magaalada Muqadishu?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Magaalada Muqadishu si xoog leh uga socda tartanka cidii badali lahayd gudoomiye Taabid oo la filaayo in dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyo.

Taabid Cabdi oo lagu hayo cadeeymo lunsashada dhaqaalaha Gobolka Banaadir leeyahay ayaa u muuqata mid ku qanansan cayrintiisa.

Waxaa tartanka lagu badalaayo Taabid ku tartamayo shaqsiyaad gobolka horay uga soo shaqeeyay iyo kuwo cusub waxaana ka mid ah:

Maxamed Nuur (Tarsan)
Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)
Cabdullahi Shuuci
Maxamed Cali Americo
Axmad Washington
General Tuuryare
Xassan Maxamed (Muungaab)
Cabdiraxman Cusmaan Yarisoow
Cawil Daahir Salaad
Cabdi Jiinoow Calasoow
Cabdullaahi Shiikh Xassan
Yusuf Xassan Maxamed (Yusuf Yare)

Iyo qaar kale oo aan wali isa soo shaac bixin.

Waxaan shaki ku jirin in cid kastaa ee loo magacaabo gobolka waa ka fiicnaan doono hogaanka Musuqa ku dhisan ee hada ka jiraa gobolka Banaadir.