Tartanka cidii buuxin lahayd booska C/risaaq Khaliif oo ka bilaawday Hargeysa

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Hargeysa saakay laga dareemayay tartan la xiriira cidii badi lahayd gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland oo habeen kii xalay ahaa iska calisay hogaanka Golaha Wakiilada.

Tartanka buuxinta jagada gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa la filayaa inuu dhex maro xildhibaano ka soo jeedo beesha Dhulbahante. Waxa iyadana isa soo taraya wararka sheegaya in laga yaabo in jagadaas ay u tartamaan qabiilo kale.

Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in xubintii buuxin lahayd booska uu baneeyay Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo jeeday beesha Dhulbahante uu ka cudur daartay in booskaasi uu buuxiyo, sidaa daraadeedna uu booskaasi buuxinayo hada sugihii labaad oo isagu ka soo jeeda Beesha Isaaq.

Iscasilaada  Cabdirazaaq Khaliif oo ka tirsanaa  Xisbiga Waddani ayaa  isbedel  deg deg ah ku keenaysa Golaha Wakiilada. Marka koobaad xubintii  ee xaqa u lahayd, kaydkana ugu horaysay ee bedeli lahayd C/razaaq oo laftiisu ka soo jeeday Dhulbahante ayaa ka cudurdaartay in uu buuxiyo xubintii u banaanaatay.

Taasi waxa ay booska u banaynaysaa sugihii labaad oo isagu ka soo jeeda beesha Isaaq. Gudoomiyaha cusub ee Wakiilada ayaa loo badinayaa in uu noqon doono Cali Xaamud Jibriil oo ah gudoomiye xigeenka sadexaad ee aqalka Wakiilada.

Waxa aan weli la cadaynin karin xiidhibaanka buuxin doona kursiga uu ka dalacayo Cali Xaamud.

Dhanka kale, waxa iyadana tartan ka dhex-bilaawday xubnaha xisbiga wadani ee ku jira kuwaas oo ku tartamaya cidii buuxin lahayd kurisga Gudoomiyaha. Wallina lama yaqaano cida sida rasmiga ah ugu guuleysan doonta kurisigaas.

Waxaana loo badaniyaa in Xildhibaan Maxamed Raambo oo ka tirsan xisbiga Kulmiye  uu buuxiyo mid kamida sadaxda kursi ee hogaanka Galaha Wakiilada.