Safiirka cusub ee Somaliya u fadhin doona dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa gaaray dalka Kenya halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Sii hayaha Safaaradda ahna Qunsulka guud Cali Mohamed Sheikh Bagadi iyo xubno kale oo Safaaradda ka tirsan.
Safaaradda Kenya ayaa in muddo ah waxaa ay aheyd Safiir la’aan, balse dhawaan Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya Safiiro ay magacaabeen, ayaa Tarsan loo magacaabay dalka Kenya.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa la filayaa wax badan oo isbede muuqda ah inuu ka sameeyo Safaaradda Somaliya ee dalka Kenya, halkaasi oo mudadii Safiir la’aanta aheyd uu shaqada sii waday Qunsulka.
Dalka Kenya ayaa wuxuu kaalinta koowaad kaga jiraa dalalka ay ku badan yihiin Somalida ka carartay dagaaladii sokeeya, waxaana Nairobi ku yaallo ganacsiyo waaweyn oo shacab Somaliyed halkaasi ay ka sameysteen.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa Tarsan xaflado soo dhaweyn ah in loogu sameeyo Magaalada Nairobi oo si toos ah uga shaqo bilaabi doono.