Talo Qaran: Caqabadaha haysta ciidanka waa ka wayn tahay mushaar la’aan? (Faalo iyo Xog Xasaasi ah)

Reading Time: 5 minutes

Ciidamada gadoodka ah ee labada Shabeelle ka soo baxay ma aha mushaar la’aan kaliya caqabadaha haysta ee keenay gadoodaan. Jawaabtu waa maya, mushaar la’aantu waxa ay galeysaa qodobaka shanaad marka la qodobeeyo caqabadaha hortaagan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa jira sababa kale oo ka khatar badan kana qota dheer mushaar la’aanta la soo darista ciidanka. Caqabadahas ayaa ka culus xalka mushaar la’aanta, maadaama xalkoodu u baahanyahay go’aan geesinimo leh oo uu qaato hogaamiye fahamsan daruufaha dalkiisu ku jiro gaar ahaan xiliyada kala guurka ah.

Sida wadamada caalamka ku dhaqamaan Ciidamada Qalabka Sida ee dal kastaa waxaa Taliya Guud u ah Madaxweynaha dalkaas ama mansabka  kale ee la doorto sida Dalalka uu hogaamiye  Ra’iisalwasaarayaasha  kuwaas doorasho ku yimid. Waxaana mas’uuliyadooda ka mida hogaaminta ciidanka.

Taliyaha guud ee ciidanka (Madaxweynaha) “Directions” ama  hagid guud ayuu bixiyaa ,siiyaana taliya ciidanka asigoo xeerinaaya dastuurka, sharciyada, siyaasadda guud ee Ciidanka &  tan Amniga Qaranka.

Taliyaha ciidankuna asigoo fahamsan istiraaiijiyada ciidan ee Dalku leeyahay ayuu  fuliyaa  tilmaamaha Madaxweynaha iyo qorshayaasha xukuumadu dejisay. Taliyaha oo ta aka anba qaadayo  ayuu asna amaro fulin iyo farida howlgelin ciidan la wadaagaa saraakiisha ka hooseysa oo  uu u horeeyo Abaanduuluhu ciidanka. Saraakiishaas ayaa iyaguna diyaariya qorshaha fulinta iyo farsamada ciidanka oo ka tarjumaya amarka taliyaha.

Sidaas ayaa ciidanka lagu howlgeliyaa, howlgalka ka dibna warbixn loo sameeyaa laguna celiyaa madaxda sare ee Qaranka, kuwaas oo qiimeyn iyo go’aamo sax ah qaato taas oo keeni karta dib u saxid ama sii dhiiri gelin ciidanka.

Dhinaca kale guud ahaan xukuumada gaar ahaan Ra’iisal Wasaaraha oo ay ka hoos shaqeynayaan  Wasiiradiisa Gaashaandhiga, Amniga iyo Wasiirkiisa Maaliyada kaalintooda ama dowrkoodu waa dejinta sharciyada iyo ilaalinta istiraatiijiyada Amni iyo Ciidan ee dalka iyagoo fulinaya siyaasada guud ee Madaxweynaha la doortay ee markaas talada haya. Waxaana ka mida arimahaas;

  • Taabagalinta qorshaha ay isla ogyihiin madaxweynaha iyo Taliyihiisa ciidanka.
  • Ku metelida ciidamada shirarka siyaasadeeda (political over side) ee ka dhaca gudaha iyo dalka dibaddiisa.
  • Ku kormeerida Taliska ciidanka fulinta Siyaasada Amniga Qaranka iyo tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Dhanka kale, waxaa jira sababo kale ee keeni kara in ciidanku gadoodaan, hadii aan la xalina gadoodku soo noqnoqan doono. Caqabadahaas waxaa ka mida;

  1. Taliska dhexe ee ciidanka Command Control – chain of command ama kala dameynta ciidanka oo lumay siyaabaha soo socda awgood:
  • Marka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka inta uu Ra’salwasaaraha ku xiran yahay ay ka badan tahay inta uu Madaxweynaha ku xiran yahay oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka Sida.
  • Inta Ra’iisal Wasaaruhu ku dhiiranayo in uu Taliyaha Ciidanka uu ka hor canaananayo saraakiishii uu xukumaayay Taliyuhu kuwaas oo waliba u badan saraakiil haysata darajada “Kabtano”  ama dhame
  • Inta Ra’isal Wasaaruhu Ciidamada Qalabka Sida oo ay hor kacayaan taliyayaashoodu uu meel la fariisiyo dad shacab  ah oo laga soo aruuriyay Degmooyinka Gobolka Banaadir. Halkaas oo ah Hoteel si gaar  ah loo leeyahay, isla markaana fariin handadaad u badan ugu gudbiyo saraakiisha iyo ciidanka ku jira furinta dagaalka.
  • Inta saraakiisha (Jeneraalada) ciidanka xooga ee xukuma hogaamada, Qeybaha, Guutooyinka iyo Ururada lagu dhega hadlaayo iyagoo xukunkii ciidanka haya lana leeyahay “waa la idinka maarmayaa mar dhow oo saraakiil dhalinyaro ah ayaan idin ku badaleynaa oo imtixaankooda xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ay ku qaadayaan gabdho iyo wiilal qurba joog ah” taas oo horay u dhacday. Dhalinyarada loo xilsaaray qiimeynta ciidanka ayaa ah dhalinyaro dalka loo keenay dhaqan celis markii ay ku saaqideen noloshoodi qurbaha.
  • Inta shaqaala rayad ah oo Wasaarada Maaliyada ka socda oo aysan “saraakil Taliskooda ka tirsan aysan losocon” loo dirayo xeryaha Ciidamada lana leeyahay soo diiwaan geliya Ciidanka.
  • Inta Madaxweyniha Jamhuuriyada ee isaga kaliya la doortay uusan fahamsanaynin in ” Awood siinta Ra’iisal Wasaaraha” macanaheedu tahay in asagu uu sacabooley ka noqdo talada siyaasada iyo amniga dalka, kuna ekaado safaro dibada ah iyo ka soo muuqashada xaflado  been abuur ah. Taas oo ay sii dheer tahay ka aamusnaanta Arimaha Qaran ee cakiran oo ay tahay mas’uuliyadii isaga loo doortay.
  • Inta Taliyihii Ciidamada xooga iyo Abaanduulihiisu ku kala xiranyihiin Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha.
  • Inta Saraakiishii Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha imtixaanka looga qaaday hogaamadana loo dhiibay ay aaminsan yihiin in laga xukumo Xafiiska Ra’salwasaaraha.
  • Inta  Taliyaha xoogu uu san saxiixi karin $100 (boqol doolar) hadii uu saxiixana uusan fuleyn saxiixaas ilaa “Samiira” oo ah haweeney u dhalatay Kenya oo ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ay wacdo Taliyaha Hogaanka Maaliyada Ciidanku si ay saxiixa Taliyaha xooga u diido ama u aqbasho.
  • halkii laga rabay madaxda sare ee Qaranka in askarta mooralkooda la dhisi lahaa, Qadiyadda ay ku dagaalamaan una dhiman karaan la geli lahaa, inta maalin kasta madaxdu la qeylinayso “Mushaar ayaan siinaa ciidanka sidaas daraadeed dalku waa xuroobayaa”. Iyadoo laga dhigayo si askerigu naftiisa u huro oo uu dalka u xureeyo kaliya in ay u baahan yahay $100 oo bishii la siiyo, siyaasadeyn iyo ku faanidna loogu daro welibana isla intii in aan qaarkood la siin ay cabasha joogta ahi ka jirto iyo maamul xumo.
  • Inta ay cuqdadeysanyihiin Taliyayaasha xooga iyo boliisku oo ay aamin sanyihiin in ay maqaar saar yihiin
  • Inta lagu adeeganayo  saraakiishii ayaga ka hooseeyay ee amarka ay siin lahaayeen kuna shaqeyn lahaayeen iyadoon wax ixtiraam ahna aysan saraakiishaas lagu adeegto u heynin Taliyayaashooda, maadaana Ra’iisal Wasaarihi iyo Madaxweynihi dalku ay ku xiran yihiin halki ay Taliyaha uga xirnaan lahaayeen,Taliyuhuna markaas saraakiisha uu sii gudbin lahaa fasiraada amarada madaxda iyo qorshahooda.

Arimahaas inta ay socdaan aqristow  ha sugin ciidan xasila, niyad leh, nidaamsan, xoogan oo cadow naga xureeya balse waxaa arki doontaan “Breeking News” ama war cusub soo noq-noqda oo cinwaankiisu noqon doono  “ciidamo soo gadooday”

  1. Waxaa ka abuurmay qaar ka mida ciidanka dhexdiisa shaki ah waa leydinka maarmi doonaa mar dhow oo madaxdu waxay idiin taqaan “maleeshiyo beeleed”,. shakigaasna waxaa sii xoojiyay markii ay arkeen Ra’iisal Wasaraha oo leh”mushaarki waan bixinaaa laakiin moryaan adeerkii waardiyeeynaya iyo mid hoteel waardiyeeynaya ayaa meelaha ka qeylqeylinaya”!, Iyadoo xaqiiqadu ka duwan tahay taas sidaas oo xataa ay jiraan kuwa la diiwaan geliyay oo weli aan mushaarku gaarin iskaba daa kuwa furimaha joogay oo aan la diiwaan geline ama aysan (diiwaan gelintu) weli gaarin.
  2. Wasiirki Gaashaandhiga oo aan shaqadiisa aqoonin oo ay isaga darsan tahay shaqadiisa iyoshaqada taliyaha Ciidanka Xooga oo saraakiisha ciidanka xooga xafiiskiisa ugu yeeraya kuna leh “xilka ayaan idin ka qaadayaa hadii kale subax kasta iyo galab kasta xafiiskeyga tuurnaada” si dadka soo booqanaya wasiirka uu u dareensiiyo in uu mashquul yahay, wasiir awood badana yahay oo shaqadii Taliyaha xooga uu isagu heysto.
  3. Inta Garaamka iyo mushaarka ciidankeenu ku xiranyihiin gacan ajnabi (shisheeye)oo markii ay dowladeenu iyo shisheeyuhu arimaha ama qadiyada dalka isku khilaafaan, shisheeyuhu jari karaan mushaarka iyo garaamka ciidanka si ay u culays loo saaro maamulka Dowladeed ee markaas jira una tusaan in aysan waxba aheynin taas oo maxnahedu yahay in hogaanka dalku qaadan karin go’aan ay u madax banaan yihiin,  hadii ay qaataana ay ka go’an tahay  tahay ciidankooda, ka dibna ciidanku ku kici doonaan haday xuquudooda waayaan.

Arimahaas inta ay socdaan…..

Kaalinta shanaad  ayaa “mushaar la’aanta ciidanku” ka geleysaa sababaha ay uga soo baxayaan dhufeysyada ama furimaha dagaalka oo ay ku jiraanj. Xalka arintaasna waxaa ugu fudud mushaar loo helo, 4ta kale xalkoodu wuxuu u baahan yahay mas’uuulka dalka ugu sareeya uu baraaruga fahmana waaqica jira ka dibna talaabo saxitaan ah qaada ka horna khubara ciidan la tashta. Hadii ay taas dhici waydo Madaxweyne Farmaajo waa ay sii adkaan doontaa in uu sii ahaado madaxweyne dalkana waxa uu gali doonaa burbur keeni karo in ay 30 sano kale nagu qaadato in  dalka loo dhiso ciidan Qaran. Dhanka kale inta RW Kheyre iyo kooxaha laptop ku shaqeeysta (Cabdisacid iyo Jamal) ay hogaaminayaan ciidanka Soomaaliya, waxaan sugnaa waa dagaal beeleed ka dhaca Meelo badan oo ka mida Soomaaliya.