Saacadii u danbeeyay waxaa Magaaladda Muqdisho ka socday dadaalo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM lagu gaynayo goobaha shalay illaa xalay isku dhacyada ka dhacayeen si loo baajiyo dagaal kale, loona yareeyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah.
Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane oo saacadihii u dambeeyay shirar gaar u socday ayaa waxa ay Midowga Afrika kala hadlayeen in dib u eegis lagu sameeyo kaalinta howlgalka AMISOM iyo waajibaadkooda ku aadan Nabad Ilaalinta. Dhinaca kale, Midowga Musharaxiinta iyo Wakiilda Beesha Caalamka C6+ ayaa shir dhanka qadka Zoomka u socdaa, iyagoo ka wada hadlaya xaalada ay gashay magaalada Muqdisho, isku dhacyadii xalay illaa shalay dhacay iyo sidii xaalada loo dejin lahaa.
Waxaa jira talooyin ah in ciidamada isku horfadhiyo magalaada Muqdisho laga qaabo iyada oo lakala dhexdhigayo ciidamada AMISOM si aan dhiig u daadan. Arintaas ayaa waxa ka biyo diiday mucaaradka Hubeysan.
Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa dadaal ugu jira in xiisada dagaal ee ay gashay Muqdisho la joojiyo, isla markaana in degdeg wada hadal uu bilowdo. Dhawaan Gollaha Nabada, Amniga iyo Siyaasadda midowga Afrika waxa uu faray howlgalka AMISOM, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidanka Xoogga dalka maadaama ay jiray eedo la xiriira ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ku milmeen siyaasada karkaarada jabsatay ee Soomaaliya
Magaalada Muqdisho oo xaaladeedu degen tahay kadib dagaaladii xalay iyo shalay ayaa laga cabsi qabaa in markale uu dib u bilaaban karo dagaalada maadaama khilaafka uu ka bilowday dagaalka uu weli taagan yahay.