Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo gobalka Gedo, Taliyihi Nabadsugida iyo Sirdoonka ee NISA Cabdiraxmaan Bakaal Kooke ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa saqdii dhexe ee xalay.
Gaariga ayaa kuqarxay inta u dhaxaysa magaalooyinka Luuq iyo Doolow oo ay u kala safrayeen, sidaas oo kale waxaa dhaawacmay Taliyihii hore ee NISA u joogay degmada Luuq. Bakaal Kooke ayaa kamid ahaa saraakiisha Haldoorka ah ee marar badan, si adag u diiday in gobalka Gedo ay saameyn kuyeeshaan kooxaha Argagixisada.