Taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay dulleedka magaalada

Reading Time: < 1 minute

Taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed ayaa ku geeriyooday iska horimaaad goor dhaw  oo maanta ah ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne gaar ahaan deegaanka Kala-Beyr.

Sidoo kale dagaalka waxaa ku dhaawacmay taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Baladweyne iyo saraakiil kale,waxaana dagaalka uu ka socdaa Koontoroolka deegaanka Kalabeyr.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weli deegaanka Kalabeyr  ee duleedka Baladweyne laga maqlayo rasaasta dagaalka u dhaxeeya  ciidamada Booliska Hirshabeelle iyo kuwa daacad u ah guddoomiyihii xilka laga qaaday  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada ka jiray xiisad ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay Yuusuf Dabageed, taa oo ugu danbeyntii keentay iska horimaadka maanta dhacay.

Xaalada magalada Baladweyne ayaa xilligaan kacsan, iyada oo laga dareemayo dagaala ka socda duleedka degmadaas.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…