Taliyihii NISA ee Garoonka Aadan Cadde oo xilka laga qaaday

Reading Time: < 1 minute

Warar ay heshay MOL ayaa sheegaya in Taliska Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka uu xilka ka qaaday taliyihii Nabad sugida  ee garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu magacaabo Khadar Maxamuud (khaddar Sanka).

Xogta ayaa sheegaysa in Taliyihii NISA ee Garoonka Aadan Cadde horey shaqo joojin loogu sameeyay, iyadoona haatan xilkaasi lagu wareejiyay haweenay taliye ku xigeen ka aheyd garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, islamarkaana iyadada ay sii wadi doonto shaqada.

Sarkaalka xilka laga qaaday ayaa horey loogu eedeeyay inuu qeyb ka qaatay joojinta iyo imaanshiyaha Siyaasiinta ka aragti duwaneed madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaaji, waxaana lagu dhaliilaay inuu awood u adeegsan jiray xubnaha mucaaradka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadii NISA ee ku sugnaa garoonka Aadan Cadde laga qaaday dhamaantooda garoonka.

Lama oga in go’aankan ay wax ka ogaayeen madaxweynaha xilka ka sii degaya  Maxamed Cabdullahi  Maxamed, Taliyaha KMG ee NISA Yaasiin Farey iyo saraakiil si weyn ugu agdhawaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale lama oga inuu arrintan wax ka ogyahay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.