Waxaa caawa fiidkii lagu dilay suuq bacaad taliyihii ilaalada gaarka ah T/X NISA Fahad Yasin. Sarkaalka la dilay uu lagu magacaabo Cumar Colow ayaa in muddo ah ahaa taliyiha ciidanka ilaalada Fahad Yasin.
Cumar Colow ayaa la xaqiijiyay in uu isaga iyo Fahad Yasin uu dhex maray khilaaf kaasoo sababay in aanu Cumar shaqo tagin seddexdii maalmood ee la soo dhaafay, sida aay qaar ka mid reerkiisa u sheegeen saxaafadda.
Dilka Cumar aya waxaa shaki badan ka qaba saraakiisa NISA iyo reerka uu ka dhashay, iyadoo markii ay is qabteen Fahad Yasin lagu bilaabay Cumar in loo soo diro telefano loogu hanjabaayo.
Kiiska aya waxaa la wareegay rag uu soo diray Fahad Yasin kuwaasoo u sheegay booliska in ay iyaga baarayaan cidda ka danbeysay dilkiisa.