Taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland oo maanta iscasilay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa si lama filaan ah maanta jagadiisii iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf. Qoraal kooban oo uu la wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayuu ku sheegay  in uu iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin arrimaha keenay iscasilaaddiisa.

Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo magacaabay, 2-dii bishii Maarso ee sannadkii tegay ee 2019, waxaana uu xafiiska joogay mudda sannad iyo afar bilood ah.