Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland ee degaanka Tukaraq oo is casilay

Reading Time: < 1 minute

Taliyihii Ciidanka Booliska maamulka Somaliland ee Tukaraq ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Somaliland, uuna ku biiray kacdoonka shacabka goballada SSC.

Isagoo kula hadlayay saxaafadda bartamaha deegaanka Tukaraq ayuu sheegay in uu la dareen yahay shacabka SSC, uuna go’aansaday in uu iska casilo xilka uu ugu magacownaa Somaliland.

Waxaa uu sheegay i hadda wixii ka dambeeya uu ka shaqeyn doono rabitaanka dadkiisa, isagoo u rajeeyay guul.

Tukaraq ayaa maalmo kahor laga dajiyay calanka maamulka Somaliland, waxaana la suray calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan bulshada deegaannada SSC.

Tan iyo markii uu bilowday kacdoonka Baluugga ah, oo bulshada SSC ku dalbanayaan ka miro dhalinta masiirkooda inay iyagu go’aamiyaan. waxaa isa soo tarayay xubnaha xilalka ka haya maamulka Somaliland ee kasoo jeeda deegaanka, kuwaas oo iska casilayay xilalka maamulkaas ay ugu magacownaayeen.