Taliyihii Ciidamada Waqooyiga Itoobiya oo sheegay in Eritrea ay qeyb ka ahayd dagaalkii TPLF lagu qaaday

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciddamada waqooyi, Ethopia Belay Seyoum ayaa sheegay in ciiddamada Eritrea xuduudka soo gudbeen islamarkaana dagaalka qayb ka ahaayeen, wuxuuna sheegay innay boob gaysteen hanti baddana la baxeen.

Major General Belay oo shacab kooban Mekelle kula hadlayay ayaa yidhi:-
“Damiirkaygu ima siinayo innaan ciddamada Eritrea taagero waydiisto, dhibka dhexdeena innagu waan awoodnay innaan xalino.”

General Belay wuxuu sheegay in lagu dhibtoonayo siddii loo soo celin lahaa hantidii ay boobeen ciiddamada Eritrea.

Wallow Dawladda dhexe Ethopia ay beenisay in Eritrea dagaalka qayb ka tahay, haddana hoggaaminta Tigreega loo magacabay iyo taliyaha waqooyi Ethopia General Belay Seyoum ayaa qiraya in ciddamada Eritrea madax bannaanida dalka ku xad gudbeen oo ay dagaalka qayb ka ahaayeen.