Taliyihii barta kontoroolka magalaada Boosaaso oo geeriyooday

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin  waxaa maanta ku dhintay duleedka magalaada Boosaaso Taliyihii Ciidanka amaanka Boosaaso ee Kontorolka magaalada Boosaaso iyo dhowr qof oo shacab ah.

Taliyaha ayaa ku dhintay iska horimaad ciidan oo dhex maray maleeshiyaad gadood ka ah qandaraaskoodii shaqo oo dhamaaday iyo dowlada Puntland oo diiday in ay dib ugu cusboonaysiiso.

Maleeshiyaadka xooga ku soo maray kontorolka mgalaada Boosaaso ayaa gudaha u galay Magaalada waxana laga cabsi qabaa in markale dagaal ka qarxo gudaha magaalada Boosaaso. Magaalada Boosaaso waxaa ka jira cabsi badan iyada oo laga baqayo in labada ciidan uu ka dhex qarxo dagaal.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!