Taliyihii AMISOM oo maanta ka baaqday safarkii Kismaanyo! Maxaa isbadalay?

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo  magaalada Kismaanyo ay ka socoto qaban qabadii ugu danbeeysay ee doorashada lagu wado in lagu qabto Kismaayo maalinta Khamiista ayaa waxa maanta ahayd in uu magalaada Kismaanyo uu tago Taliyaha ciidanka AMSIOM Jenaraal Tigabu Y. Wondimhunegn.

Jenaraal Tigabu oo ah nin dhalashadiisu tahay  Itoobiyaan horayna loogu eedeeyay in  uu qayb ka ahaa abaabulka ciidanka Itoobiya ee doonayay in ay xoog ku qabsadaaan  magaalada Kismaanyo ayaan wali la shaacin sababta rasmiga ah ee uu u baajiyay safarkiisa saacadihii u danbeeyay. Warar ayaa sheegaya in uu safarkiisii dib loogu dhigay berito.

Waxaa wali isku horfadhiya magalaada Kismaanyo ciidamada Jubbaland oo taageero ka haysto ciidanka AMISOM ee Kenya iyo kuwa Itoobiya.

Dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaa warar dheeraad ah ee ku saabsan safaraka Jenaraal Tigabu Y. Wondimhunegn ee berito iyo qorshaha uu damacsan yahay.