Taliyeyaasha Ciidanka Milateriga, Booliska iyo NISA ee gobalka Gedo oo looga yeeray Muqdisho.

Reading Time: < 1 minute

Warar ay heshay MOL ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay u yeertay taliyeyaasha ciidamada Booliska, Militeriga iyo Nabad sugida ee u qaabilsan gobolka Gedo, islamarkaana ay deg deg ku yimaadaan magaalada Muqdisho.

Taliyeyaasha loo yeeray ayaa waxaa ay kala yihiin Taliyaha Milateriga ee gobolka Gedo Warfaa Shiikh Aadan Faroole, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Cabduqaadir Cumar Biixi iyo Taliyaha Nabadsigida Bakaal Kooke.

Ilo wareedyo ayaa MOL u sheegay in taliyeyaasha wax laga weydiin doono xaalada ammaan ee gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Garbahaarey.

Xogta ayaa sheegaysa in ay suurtagal tahay in xilalka laga qaado marka ay taliyeyaasha soo gaaraan magaalada Muqdisho, islamarkaana, taliyeyaal cusub ay dowladda u magacaabi doonto gobolka Gedo.