Taliyaha Ciidanka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in Ciidanka awood u leeyahay inuu magaalada Laascaanod ka saaro kooxaha isa-soo-uruursaday, balse bulshada u tudhayaan.
Taliye Taani ayaa Magaalada Laascaanod faahfaahin ka bixiyey xaalada guud ee maalmahii ugu dambeeyey, iyadoo Ciidanka Qaranku fulinayo go’aankii xabad-joojinta ee hore xukuumadu ugu dhawaaqday.
“Ciidanka marwalba waxuu fuliyaa awaamiirta xukuumada, waxaanan halkan u joognaa xabad-joojintii xukuumada. Ciidanka awood wuu u leeyahay inuu magaalada ka saaro kuwa isku soo uruursaday ee Puntland, kuwa argagxisada Al Shabaab ee ku soo duulay, laakiin dadka shicibka ah ayaan u tudhaynaa.” Ayuu yiri Taliye Taani
Taliye Nuux oo ka hadlayey xaalada maagalada Laascaanood ee maalmahii u dambeeyey ayaa sheegay inay xasiloonayd, waxa dagaal ahna ka dhicin, waxaanu yiri “Dagaalkii u dambeeyey muddo sideed maalmood ka hor ayuu Galbeedka ka dhacay, mudadii ka dambaysay, ama shantii maalmood ee u dambaysay magaaladu waa nabad.”
“Ciidamada Somaliland awood ay ku daafacaan way leeyahiin, waana waajibaadka ay Qaranka ugu xilsaaran yihiin, xoogeeda iyo awoodeeda manta waanu leenahay, meel kasta ha la iska soo uruursado Boosaaso, Gaalkacayo, Garoowe, Qardho, Badhan, Dhahar, laakiin, Ciidanka Qaranku wuu taagan yahay xeryahooda ayey ku sugan yihiin, waanay ku filan yihiin”. Ayuu ku daray.
Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Qaranka iyo bulshada Somaliland taageerada ay la garab taagan yihiin, isagoo yidhi,
“Qaranka iyo shacabka Somaliland waanu uuga mahadcelinaynaa taageerada ay ciidamadooda la garab taagan yihiin, gobolada dalka oo dhan. Taliye Nuux ayaa warar aan jirin oo been abuur ah ku tilmaamay wararka qolyaha huwanta ee dagaalka ka wada Laascaanod ku faafiyaan baraha bulshada,
waxaanu yiri,“Wararka waxba kama jiraan wararka la faafiyey, indhahiina ayaad ku soo aragteen in ciidanku joogo meel walba. Waxaanu warbaahinta gudaha Somaliland ugu baaqay inay u jawaabaan kuwa beenta faafiya.’
Taliye Nuux oo fariin u diray dadweynaha Gobolka Sool ayaa ugu baaqay inay magaaladooda ku soo noqdaan, waxaanu yidhi,