Diblomaasiyiin ku sugan dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey in Somaliland 21-kii Sebtembar uu booqday Somaliland Ku xigeenka madaxa Sirdoonka ee dowladda Sacuudi Carabiya General Ahmad Hassan wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi.
Kulankan oo si qarsoodi ah u dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo General Ahmad Hassan Mohammed Asiri ayaa looga hadlay Wada shaqeyn cusub oo dhanka Sirdoonka ah oo dhexmaraysa Somaliland dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Xubno ka mid ah Somaliland ayaa xaqiijiyay in kulanka looga hadlay Ballaarinta Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ee Berbera.
Diyaaradaha duulimaadka ee 21-kii Sebtembar ee Madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport (HGA) ma muujin duulimaadyo ka yimid dhanka Sacuudi Carabiya, laakiin ilo kale waxay tilmaamayaan in General Asiri uu ka yimid dhanka Jabuuti uuna soo raacay diyaarad Ganacsi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan tagi doona dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta si uu aqoonsi uga raadiyo dowladdahaasi oo si weyn uga soo horjeedda dowladda Soomaaliya ka dib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqotay Khilaafka dalalka Khaliijka Carabta.