Taliye Muxyadiin oo sheegay in argagaxisadii ay ku milantay dhamaan goobihii waxbarashada ee Puntland

Reading Time: 2 minutes

Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta Puntland ayaa sheegay in ay ka socdaan deegcanada bari gaar haan magaalada Boossaaso  hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Hawlgallada oo weli socda, ayaa taliyuhu sheegay in lagu soo qa’qabtay, dad kala duwan oo ku eedaysan;  argagixiso, tahriibin iyo dhalinyarada abaabulan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka magaalada, kuwaasoo baaritaan lagu wado, sida uu xusay.

Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa sheegay, in gacanta lagu hayo qofkii ka dambeeyay, dil habeen ka hor loo geystay, xisaabiyihii guud ee shirkadda ganacsiga Horseed, Salaad Cabdi Cukaash oo lagu dilay xaafadda Raf&Raaxo ee magaalada Boosaaso.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash.

Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse oo wax laga weydiiyay? dad la sheegay in jaamacadaha Boosaaso laga soo qabtay, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ah ay meel kasta ku dhuuntan,  sida jaamacadaha, macaa’hidda iyo iskoolada, haddii qofkii laga shakiyana meel kasta loogu gelayo, si baaritaan loogu sameeyo.

Hadalka Taliyaha ayaa ka tarjumaya sida Kooxaha argagagxisada ay luga ula galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada dhanka Ganacsiga iyo Waxbarshada.  Madaxweyne Deni ayaa looga fadhiyaa in uu la yimaado qorsho cusub oo looga hortagayo culays Amni ee soo foodsaaray shacabka reer Puntland.

Argagixisadu waxay gashay jaamcadaha, waxay gashay mac’hadada, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya” ayuu raaciyay taliyuhu.

Gen. Muxiyadiin,  ayaa  shacabka Boosaaso ugu baaqay, in ay ciidamada kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga oo ay soo sheegaan macluumaadka ku saabsan, kooxaha dhibaatada ku haya magaalada, gaar ahaanna kuwa ganacsatada soo waca ee weydiista sakawaadka.

Si gaar ah wuxuu ka digay, kooxo uu sheegay in ay isu’ekaysiiyaan Al-shabaab iyo Daacish, si ay lacago uga helaan dadweynaha kala duwan, iyagoo soo waca, dabadeena u sheegayana magaca Al-shabaab ama Daacish.