Taliye ku xigeenkii hore ee NISA oo MUQDISHO lagu maxkamadeyn doono

Reading Time: 2 minutes

Sida aad la socotaanba Taliye-xigeenkii NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horaantii bishan shaqada looga eryey eedeymo dowladdu ay ku sheegtay musuqmaasuq iyo xatooyo Xoolaha Dowladda ayaa waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu ka soo muuqdo Madaxkamada Ciidan Qalabka side ee Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Xubno ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay jirto caddeymo muujinaya mushahar shaqaale oo Jaamac lagu tuhmayo inuu qaatay.

C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) lagu tuhmayaa inuu NISA ka lunsaday 3.6 million oo ah mushaar ka ciidanka NISA iyo 1.2 million oo ahaa lacagta howlaha xafiiska. Dad ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Jaamac uu Guriga weyn ka iibsadey Degamada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Marinayo, kasoo horjeedka safaaradda Dowladda Djibouti.

Guriga uu iibsadey C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa qiime ahaan waxaa lagu qiyaasey sidan iibka dhulka USD$87,000 sideetan iyo Todoba kun oo Doolarka Mareykan ah, Cabirka waa 20X20.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac waxaa uu horey uga tirsanaan jirey Kooxda Al-Shabaab ka hor inta uusan ka mid noqon Dowladda Federalka ah

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Mar walba waxay sheegaan in ay la dagaalanayaan musuqmaasuq iyo Xoolaha Dowladda iyo kuwa dadweynaha, in ka kastoo uu musuqmaasuq dartiisa u ay u soo xireen agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, Hana la arki doonee talaabta ay ka qaadaan Taliye-xigeenkii NISA Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo musuqmaasuq baahsan darsiisa shaqada Hay’adda looga eryey.